ISKU AADKA TARTANKA KUBADDA KOLAYGA (SSIFO 2008) EE LONDON
Waxaa lagu wadaa in bishu markay tahay 11ka Augusto 2008. In la furo tartankii taariikhiga ahaa ee kubadda kolayga oo in dhawaano ahba la hadal hayay. Kaas oo ay sanadkaan ka soo qayb galayaan cayaar yahanadii hore ee magaca iyo sumcada fiican ku lahaa kubadda Kolayga. Waxaana sanadkaan u soo diyaar garoobay ka qayb galka tartanka SSIFO 2008 LONDON. Seddax iyo toban (13) kooxood, oo Sagaal ka mid ah yihiin Rag. Afar kooxna Dumar yihiin. Laba koox oo (Juniors) ka ah iyo Laba koox oo Gabdhaha cayaaryahanadii hore ee cuslaatay (Seniors) ka ah.
Sagaal-ka kooxood ee wiilasha ah, Shan ka mid ah, waa da'yarta (Juniors) ka ah, Afarta kalena waa cayaaryahanadii hore ee cuslaatay (Seniors), oo badankoodu u soo cayaaray Qarankii Kubadda kolayga Soomaaliyeed wixii ka horeeyay 1990-kii.
Tartanka waxaa soo qaban qaabiyay cayaartooydii hore, macalimiintii iyo weliba Garsoorayaashii heer Qaran ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation).
Waxaana si qaas ah sanadkaan u marti gelinaya Qaybtooda ku sugan dalka UK qaasatan London. waxaana tartankaan maal galiyey ururo samo fal iyo Milkiilayaal Soomaaliyeed iyo weliba shaqsiyaad jecel horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
Tartanka oo socon doono mudo todobaad ah ayaa wuxuu dhici doonaa 11ka Augusto 2008 – 19ka Augusto 2008. Waxaana lagu cayaari doonaa garoonka bilicda san ee (Capital City Academy Doyle Gardens) oo ku yaal xaafadda Willesden NW10 3ST ee magaaladda London. Inkastoo wixii faah faahin dheeraad ah iyo tusmada goobta kulanka aad ka heli kartaan iyadoo faah faahsan website-ka ururka oo ah www.ssifo.com .
Kulanku waa is arag, cidii inta badan badisaa ay koobka qaadi doonto. Hadii laba koox isku dhibco noqdaan waxaa la fiirinayaa cida goolasha badan leh. Marka la kala jaro wixii ay dhaliyeen iyo inta laga dhaliyay.
Kooxaha ka qaybgalaya tartanka waxay ka kala imaanayaan wadamada hoos ku kala xusan:
|
|
JUNIORS (MEN)
|
SENIORS (MEN)
|
|
1
|
London
|
London
|
|
2
|
Cardiff
|
Europe
|
|
3
|
U S A
|
U S A
|
|
4
|
Canada
|
Canada
|
|
5
|
Switzerland
|
|
|
|
JUNIORS (GIRLS)
|
SENIORS (GIRLS)
|
|
1
|
H Afrique (London)
|
North London
|
|
2
|
Northampton (Midlands)
|
West London
|
SSIFO 2008 (TABLE)
|
Date
|
Match
|
Time
|
|
Monday, 11th Augost 2008
|
- London Vs Switzerland
- London Vs Europe (Senior)
- Cardiff Vs Canada
|
15:00 17:30 19:00
|
|
Tuesday, 12th Augost 2008
|
- Cardiff Vs U S A
- U S A Vs Canada (Senior)
- Canada Vs Switzerland
|
15:00 17:30 19:00
|
|
Thursday, 14th Augost 2008
|
- Canada Vs London
- U S A Vs London (Senior)
- Switzerland Vs U S A
|
15:00 17:30 19:00
|
|
Saturday, 16th Augost 2008
|
- Cardiff Vs Switzerland
- Canada Vs Europe (Senior)
- U S A Vs London
|
15:00 17:30 19:00
|
|
Sunday, 17th Augost 2008
|
- London Vs Cardiff
- Europe Vs U S A (Senior)
- H Afrique Vs Northampton (Jr GIRLS)
|
15:00 17:30 19:00
|
|
Monday, 18th Augost 2008
|
- Canada Vs London (Senior)
- U S A Vs Canada
- W. London Vs N. London (Senior GIRLS)
|
16:00 17:30 19:00
|
|
Tuesday, 19th Augost 2008
|
Closing Cermony
|
13:00
|
Colour Code: Blue = Seniors. Black = Junior. Green = Girls.
Midabada waxay tusaale ama fisiraad u yihiin Shaxda kor ku xusan. Da'da loo ogol yahay ka qayb galka tartankuna waa:
|
Seniors
|
Over 35
|
|
Junior
|
Under 20
|
FIIRO GAAR AH: Cayaaryahanada ku cayaari doono magaca Europe, waxay isugu jiraan kuwa ku nool UK balse aan degenayn London oo ay wehliyaan dhowrka cayaar yahan ee ka imaan doono Europe inteeda kale.
Hadaba waxaana u rajaynaynaa dhamaan inta jecel daawashada kubadda kolayga, ee waqtigu u saamaxo in ay soo booqdaan garoonka bilicda san ee (Capital City Academy Doyle Gardens ) oo ku yaal xaafadda Willesden NW10 3ST ee magaaladda London. 11ka Augusto 2008 – 19ka Augusto 2008. Ka soo qayb gal wacan idinka iyo caruurtiinaba si gacmo furan iyadoo weliba daawashada tartanku tahay mid lacag la'aan ah.
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sheikh
Xoghayaha Ururka SSIFO - UK