COMMENTS
madhinte waa ilaah
anigoo ku hadlaayo magacayga iyo magaca dhamaan bahd sportiga somaliya melkasta ay joogaan waxaa tacsi u diraynaa Xaaskiisa Deeqa O. Maxamed, ilmihiisa Maxamed Cumar, Khaalid Cumar, Djabir Maxamed, Nadiira Maxamed, iyo Faiza Maxamed. iyo aabihiis maxamed cumar maxamed .hooyadiis caasho shiikh c/laahi iyo walaalahis.qaraabadiis asaxaabtiisa oo naga wada geeriyooday saxiibkeen qaaliga ahaa
CUMAR MAXAMED CUMAR (CUMAR ANYELO)
Waxaan marxuumka ILAAH uga baryaynaa dembi dhaaf iyo Janada Firdowsa qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisana sabir iyo iimaan. allaha naga wada siiyo aaamiiiin aamiin cafis iyo masaamax
ahmed musse iyo xaaskiisa xaawo kiin
INAALILAAH WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN
TACSI CODKEEDA UU AAD U SAREEYO
Shukri & Faiza Y Afrah+ BABA Jey waxey tacsi tiiraanyo leh ay u dirayaan dhamaan walidiinta, xaaska+ caruurtii & Eheladii uu ka geeriyoodey wallaalkeen CUMAR MAHAMED CUMAR (ANYELO)waxaan leenahey samir & iimaan allaha naga wada siiyo.ASAGANA JANADII FARDOWSA ALAHA KA WARAABIYO AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
BY SHUKRI & FAIZA
anagoo kala ah Cismaan xalane xarash,maxamed C/casiis olol diinle Kaamil,iyo dhamaan bahda ciyaaraha Vancouver,waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii,qoysii,asxaabtii iyo dhamaan bahada ciyaaraha K.K.geeridii naxdinta lahay ee ku timid macallin Cumar maxamed Cumar
Anyeelo,waxayna leeyihiin samir iyo iimaan alaha naga wada siiyo isga janafdii fardoosa alaha ka waraabiyo Aamiin.
inaa lilaah wa inaa ilaahi raajicuuun
anigoo ah haasan tuke iyo dhamaan reer tuke waxaan tacsi u direeynaa reerkii iyo ehaldii eey ka kala geeriyoodeen labadii macalin ee qaranka soomaliya ee kala ah macalin BURUKO iyo macalin CUMAR AAYEENLO,ilaah waxaan u baryeeyna naxariisti jano,iyo in bahweeynta sportiga samir iyo iiman ka siiyo
Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun. Kuli dhalinyarada sportiga ee ku nool Atlanta, Ga waxay tacsi u dirayaan qoyska iyo saxiibada labadan marxuun(Omar Anyeelo iyo Macalin Buruko) Ilaahay ha unaxariisto inaga oo dhana samir iyo imaan ilaahow naga sii geeridooda. Waxaa tacsidaan dirayaa oo ugu horeeya odayadeena Abdirishiid Plastico, Ali Osman, Jeego. Caydid, Ali Yusuf Mohamed oo geerida noo soo sheegay, Aweys Fundi, iyo aniga Issa Jama. Shalay oo kale ayey ahayd markii aan Omar Anyeelo Toronto ku wada cayaaraynay. Omar waxaa u ahaa ilaahay ha u naxariistee qof bashaash aha oo qalbi wanaagsan oo farxad badan. Geerida labadan macalin waxa ay tusuulo iyo waano igu filan tahay kulii inta taqaan. Waanu xasuusin in naf walba ay maalin go'ayso oo aan adduunkan lagu waareyn. Ilaahayow qabrigooda waasic ka dhig, gurigoodana Janatul Fardowsa ka yeel.
ANIGOO AH DR.OSMAN SHIIS IYO XASKEYGA HAWA TAAKO WAXAAN TACSI U DEREYNAA DHAMAAN EHELADII OO AAN KA MID AHAY IYO XASKIISA DEEQO INOOO SAMIR KA SIIYO GEERIDII NAXDINTA LAHEYD EE KU TIMID OMAR ANYEELO .
OMAR ANYEELO WUXUU AHAA RAGII AAN ANIGA KUBADA U BILAABAY ANIGOO DAREESANAA INUU NOQONAYO LACIB WEYN
MA DHINTE WAA ILAAH EE WAXAAN LEENAHAY ILAAH HA KA WARAABIYO JANNATUL FIRDOWSA AMIIN
Guddoomiye ku xigeenka XSKC mudane Ahmednur Hassan Abdulle, anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha XSKC, ka guddiga Fulinta, kan Xoghayaha, kan macalimiinta Qaranka iyo Cayaartooydaba, waxaan anagoo aad uga xun geeridii naxdinta laheyd ee ku timid MACALINKII QARANKA EE K/KOLEYGA, MARXUUM CUMAR MAX'ED CUMAR oo loo yaqaaney CUMAR ANYEELLO,oo ku geeriyoodey dalka Ingiriiska iyo MACALINKII HORE EE K/KOLEYGA EE QARANKA, MARXUUM IBRAAHIM JUMCAALE CABDI oo loo yaqaaney MACALIN BURUKO, oo ku geeriyoodey dalka Finland, tacsi tiiraanyo leh halkaan uga direynaa Qoyskii, eheladii, asxaabtii, bahweynta cayaaraha iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo aay joogaan, waxaana Ilaahey uga baryeynaa inuu janadii fardawsa aheyd ka waraabiyo.
AAAAAMMMIIIIIN, AAAAAMMMMIIIIIIIIN, AAAMMMIIIIN.
INAALILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAHICUUN
Annigoo ah M/ne Abukar Abanur Maxamed, ahna xubin ka mid ah Bahda SSIFO, islamarkaana ka mid ahaan jiray Mas'uuliyiintii GOS ee ka soo qeyb qaatay Horumarinta Isboortiga dalka, ilaa iyo waqtigan xaadirka ah weli diyaar u ah ka qeyb qaadashada howlaha ku saabsan Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
Haddaba, ka dib markaan maqlay Geeridii Naxdinta lehyd ee ku timid Al-marxuum: CUMAR ANYEELO, oo ahaa Tababarihii Xulka Qaranka K.Kolayga Soomaaliyeed ee "WIILASHA", kaasoo ku geeriyooday Shil Baabuur. Sidaa darteed, waxaan Tacsi Tiiraanyo leh aan jeclahay in la qeybsaddo dhammaan Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed, xaaskiisa, caruurtiisa, waalidiintiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Eheladiisa oo kala joogga Dunida dacaladiisa, waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxumkana waxaan eebe ugu baryeynaa in uu Naxriistii Janno in u ka waraabiyo.......AAMIIN.
anigoo ah Sufi Xusen iyo xaaskeyga Mumino Xasan waxan halkan uga tacsiyadeyneynaa dhammaan ehelahii iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyooday marxuum Cumar Maxamed Cumar(Cumar Anyeelo) waxan ilahey uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan naga siiyo asagana janadii fardowsa ale ka waraabiyo aamiin
Waxaan aad iyo aad uga naxay geerida naxdinta leh ee ku timid walaalaheen Cumar Anyello iyo Macallin Ibrahim Cabdi Jimcaale(Bruuko). Waxaan Ilaahey uga baryayaa inuu jannada ka waraabiyo. Eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen, oo ay ku jirto bahweynta isboortiga gaar ahaan kubbadda koleygana Samir iyo iimaana Allah ha ka siiyo. Aammiin.
walaalayaal waxaan codsanayaa inaan u duceyno marxuumiinta caa'iladoodana aan hiil iyo hoo iyo gacan dhaqaale la garab is taagno waxii aan awoodno.
Idris Ibrahim Suleiman
1)Dr.Cali Cusmaan cali
2)Dr.Yaasiin Abukar Cariif
3)Maxamed Xirsi Indhacaad
4)Cabdulaahi Xirsi Cabdi
5)Islaw Maxamed Malaaq
6)Maxamed Xasan Qolof
7)Maxamed Xaaji Giftin
8)Macalin Ibraahim Suudaani
9)Aweys Muse Arbaw(Aweys Fundi)
10)Khaliif Shire(Khaliif Riiko)
11)Cabdicasiis Axmed Mahdi
12)Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo)
13)Cabdulaahi Nuur Kolombo
14)Amiin Caamir Maxamed
15)Ciyaaryahan Caraale
16)Maxamed Soomaliyow
17)Cali Mataan
18)Maxamed Ismaaciil Sangue
19)Maxamed Muslimiin
20)Isaaq Dheere
21)Axmed Cabaas Busuri
22)Ciyaaryahan LOOLOW
WAXAY DHAMAANTOOD TACSI U DIRAYAAN UMMADDA SOOMAALIYEED IYO QOYSASKII AY KAL GEERIYOODEEN MARXUUMIINTA KALA AH IBRAAHIN JUMCAALE CABDI OO KU GEERIYOODAY DALKA FINLAND IYO CUMAR MAXAMED CUMAR OO ISNA KU GEERIYOODAY DALKA INGRIISKA....WAXAYNA EEBE UGA BARYAYAAN IN UU JANADII FARDAWSA AHEYD KA WARAABSHO EHELADOODUNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO....AMIIN.
(ILAAH AYAA INA ABUURTAY OO INA LEH ISAGAANA LOO WADA NOQONAYAA)
Annigoo ah Xasan M. Faarax (JOHN), waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Xaaskii, caruurtii, eheladdii, qaraabaddii iyo dhammaan Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed geeridii ku timid Al-marxuum Cumar Maxamed Cumar, oo ku magac dheeraa (ANYELO), oo ahaa macalinkii K.Kolayga isla markaana ka soo shaqeeyey Horumarinta Isboortiga, gaar ahaa K.Kolayga.
Haddaba, waxaan marxuumka Eebe ugu baryeynaa Naxriistii Janno in uu ka waraabiyo, xaaskii, caruurtii, eheladdii, qaraabadii iyo dhammaan Bahweynta Isboortiga Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan in uu eebe naga wada siiyo...AAMIIN.
ILAAHOW NOO WADA NAXARIISO
INAALILAAH WA INAA ILEYHI-RAAJICUUN
Anigoo ah Xaaji Abuukar Cumar iyo Xaaskey Xabaaba Xaaji Cusmaan iyo Famiilkeena Reer Abacumar oo dhan kana mid ah Eheladda Cumar Anyeelo,waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u direynaa Bahweynta Ispoortiga Meel walba ay Joogaan iyo Xaaskiisa Deeqa M.Omar iyo Caruurta oo ka tagay Marxuumka iyo Abihiisa C/neel Maxamed Cumar Xiirane iyo Walaalkiisa Abdi Cumar iyo Ehelka oo dhan ,Waxaan Alle Weyne kaga baryeenaa Janadii Firdoosta,.Aamiin
inaalilaahi wa inaa ileyhi- raajicuun.
anigoo ah ikar imaan sheekh iyoxaaskeyga falis maxamed xuseen,oo ah saaxibada camar maxamed camar ooku magacdheer [cumar anyeelo].
waxaan tacsiyo tiiraanyo leh diraynaa bahwenta isboortiga meel walba ay joogaaniyo xaaskiisa deeqo maxamed omar iyo caruurtiisa iyowaalidiintiisa iyo inta la dhalatay iyo eheladiisa oo dhan meel kasta ay joogaan.
waxaan alle uga baryeynaa inuu janadii fardoosa ka waraabiyo. AAMIIN
anigoo ah yusuf m aweys waxaan aad uga naxay geeridii ku timid saaxiibkeyga cumar anyeelo waxaan halkan tacsi uga dirayaa xaaskiisa iyo caruurtii uu ka tagay iyo labadiisa waalid iyo walaalihii uu ka tagay, KULA NAFSI DAA,IQATAL MOWD ilaahay ha u naxariisto meel qeyr alaha marsiiyo ehelkii uu ka tageyna samir iyo iimaan ka siiyo bahdii isboortiga uu ka baxayna samir naga wada siiyo AAMIIN AAMIIN.......AAMIIN....
Anigoo ah cabdullaahi abshir cali xaaskeykeyga iyo caruurteyda waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa xaaskii iyo caruurtii iyo ehelkii dhamaan bahda kubadda koleyga intii taqaanney .
CUMAR MAXAMED (CUMAR ANYEELO) In ilaaheey samir iyo iimaan ka siiyo ilaaheeyna jannadii fardowsa ka waraabiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Anigoo ku hadlaya magaca reer Mrayare iyo bahweeynta Isportiga ee Toronto, waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Ehelka, Xaaska, Caruurta, Axsaabta, uu ka geeriyooday Mrxuum OMAR ANYELO. Wuxuu ahaa nin Qadarin ku lahaa bulshada oo dhan, wuxuu ahaa shakhsi wanaagsan
oo xushmad iyo sharaf ilaaheey ku maneeystay. Waxaan ilaaheey uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Fardoowsa, dhamaana Samir ka siiyo intii uu ka geeriyooday.. AAMIIN....AAMIIN....AAMIIN.
TASCI TACSI TACSI
INAA LILAHI WA INA ILEYHI RAAJICUUN, KULA NAFSIN DAA'QATULMOUT WA INNAM LATUWAFUUNA AJUURAHUM
ANIGOO AH SAID MOHIDIN KUNA NOOL DALKA INGRIISKA, WAXAANA TASCSI U KALA DIRAYAA QOSAASKII IYO EHEELADOODII LABADA MARXUM CUMAR MOHAMED CUMAR(ANYEELO) IYO IBRAHIM JIMCALE CABDI(BURUKO) OO KU KALA NOOL DALKA DIBADIISA IYO GUDAHIISA, WAXAANA EEBBE UGA BARYAYA INUU JANADII FARDOWSA AHEYD KA WARAABSHO EHELLADIISANA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO(AMIIN)
SAID MOHIDIN
TACSI
Bahda isboortiga ee gobolka Minnesota waxaa ay tacsi u dirayaan Allaha u naxariistee qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Allaha u naxariistee marxuumiinta kala ah: Ibraahim Jimcaale Abdi (Buruko) iyo Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo) oo labaduba ku geeriyooda Shilal ka kala dhacay Finland iyo Ingiriiska.
Waxaan allaha Awoodda badan uga baryaynaa in naxariistiisa janno uu ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo qaraabadii ay ka tageena samir iyo iimaan naga wada siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Tacsidan waxaa diraya dadka magacyadooda hoos ku xusan yihiin:
Cabdi Cali Macallin Guddoomiyaha Isboortiga G. Minnesota
Macallin Ibraahim Suudaani
Macallin Qariindi
Yaasiin Barafuun
Maxamed Cabdi Yuusuf
Cabdi Yuusuf
C/qaadir Xaaji Daahir(Shiikha)
Axmed Daahir
C/raxmaan Guuleed Cawaale (Aamaan)
Maxamuud Ciise Faarax
C/risaaq Saciid Marshaale
C/qaadir Salaad Warsame (Nuune)
C/qaadir Yuusuf Ciise (Madaxey)
Maxamed Aadan Jeelle
C/qaadir Jaango
Maxamed Cismaan Isaaq
C/raxmaan Calool-geel
Idiris Ibraahim Suleymaan
C/qaadir Xaashi Dalmar
C/llahi Moorgan
C/casiis Biixi
Yoonis Xaaji saciid
Cali xaaji Aweys
C/raxmaan Wariye
Bakar Yare
Burhaan Yaasiin Xaaji
Cabdi Gabayre Ismaaciil (Duwe)
Maxamed C/llahi Axmed (Catoosh)
Deeqo Cawil
Nimco Axmed
Xaawo Hiiraan
Gani Nuur
Maryan Nuur iyo
Fartuun Cismaan
Diyaariye:Shiikha
Maxamed Xaaji Cali, Cumar C.Barajab,Bashir Cawil,iyo dhamaan reer U.A.E waxay u tacsideynayaan dhamaan heheladii KHarabada iyo bahweynta isbortiga Geeridi CUMAR AYELO JANADII ALLAHA KAWARABOYO.DHAMAANEYNANA SAMAR IYO IIMAN ALLAHA NAGA SIIYO
Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo magaca jaaliyadda somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Melbu ee dalka Norway waxaan uga tacsiyeeynayaa dhamaan bahda isboortiga somaliyeed iyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday macalin cumar maxamed cumar(cumar ayeelo). waxaan ALLAH ooga baryeynaa macalin cumar inuu kitaabkiisa midigta kasiiyo,hoygiisana janatul firdowsa allah ka dhigo. xaaskiisa,caruurtiisa ,dhamaan ehelkiisa iyo bahda isboortiga somaliyeedna samir iyo iimaan ALLAH ka siiyo
inaa lilahi wainaa inaa ilahi rajacuun anigoo ku hadlaya dhaman bahweynta sportska ee magalada toronto waxan halkan uga tacsiyeynaynaa dhaman ehelahii iyo familkii uu kageriyooday cumar anyeelo ilahey janada fardowsa haka warabiyo Amiin AMIIN
INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN!
C/WELI MAFRAH(NIINOOW)
C/QAADIR M AFRAX(CABDUL)
M/MED M AFRAX(QEYLO)
C/FITAAX CABDULLAAHI(CABDALLA)&
FARTUUN M AFRAX
WAXAAN HALKAN TACSI UGA DIREYNAA EHELADII,QARAABADII&aXSAABTII UUMARXUUMKA KA GEERIYOODEY WAXAAN ILAAHEY UGA BARYEYNAA IN NAXARIISTII JANNO KA WARAABIYO DHAMAAN EHELADIISANA SAMIR &IIMAAN KA SIIYO.
AAMIIN
Aniga oo ah Mahamed Abdulaahi Ali (Mohamed Yare) waxaan aad uga xumahay geeridii ku timid Cumar ANYEELO, Illaah waxaan uga baryayaa naxariis iyo nabad gelyo kurskiisa ha ka yeelo. Ehelkiisiina Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Inalilaah wa Inaa ilaahu raajucuun
Waxaan tasci gaar ah u dirayaa dhamaan ehaladii iyo qaraaabadii uu ka geeeriyodey saxiibkeyga qaaliga ahaa Omar Mohamed Omar (Anyeelo) geeridii lamafilaanka aheyd ku timid. Waxaan si gaar ah ugu dirayaa walaashy Deeqa, caruurteeda, Mohamed Omar, Khalid Omar, Jabir Omar, Nadir Omar iyo Faiza Omar in uu ilaahey samir iyo iiman ka siiyo. Waxaan kaloo tacsi sidan ah u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyowday Macalin Marxuum Ibrahim Jimcaale (Buruko) Waxaan dhamaan ilaahey ugu baryeynaa inuu u dambi dhaafo qabrigooduna waasac uga dhigo
Aamin Aamin
Eng Bana Ali
inaliliahi waina ileehi rajicuun anigoo ku hadlaya magaca dhaman reer xaji macow waxan aad uga naxay geeridii ku timid walalkeen comar m,cumar xiirane[anyeelo] waxan tacsi halkan uga wada drireyna dhamaanteena reer xaaji macow meel walba aan kala joogno,deeqa iyo caruurteeda,aabihiisa ,hooyadiisa iyo dhaman walalihiisa marxuumka janadii fardoowso ilahey kawarabsho,qabrigiisana ilahey ha ku qaboojiyo,amiin amiin amiin ya rabi.
inaliliahi waina ileehi rajicuun anigoo ku hadlaya magaca dhaman reer xaji macow waxan aad uga naxay geeridii ku timid walalkeen comar m,cumar xiirane[anyeelo] waxan tacsi halkan uga wada drireyna dhamaanteena reer xaaji macow meel walba aan kala joogno,deeqa iyo caruurteeda,aabihiisa ,hooyadiisa iyo dhaman walalihiisa marxuumka janadii fardoowso ilahey kawarabsho,qabrigiisana ilahey ha ku qaboojiyo,amiin amiin amiin ya rabi.allow unaxariiso walalkeena,bye sheq nuur hassan issak