Beryihii la soo dhaafay ayay ka soo dhoofayeen cayaaryahano aad u tiro badan wadamada North Amerika, Canada, Germany, Sweden iyo wadamo kale oo Eurpe ka tirsan ayagoo xay xayn u socdo. Kooxahan waxaa ay casuumaad ka heleen ururka SSIFO ( Somali Sports & International Friendship Organisation) oo isagu martigalinaya tartankan waxaana ka soo qaybgalaya isku dar ilaa iyo 13 kooxood oo isugu jira yar yar iyo waawayn Gabdho iyo Wiilalba leh. Tartanka oo mudo hal asbuuc ah socon doono ayaa lagu wadaa in uu furmo 11-ka August - 19-ka August 2008.
Sidoo kale waxaa halkaasi isugu imaanaya dhammaanba ciyaaryahannadii Soomaaliyeed ee kubadda koleyga,Tababarayaashii, Garsoorayaashii iyo masuuliyiinta isboortiga ee qaybo badan leh. Waxaana halkaasi la isku weydaarsan doonaa aqoonweydaarsi ku saabsan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda koleyga.
Kooxdii ugu horaysay ayaa ka soo dhooftay maalintii Sabtida goroonka caalimiga ah ee Minnesota saacadu markay aheed 3:30 pm waxaa cayaartoodaa hogaaminaya cayaaryahankii xulka qaranka soomaaliyeed iyo naadigii Horsed AXMED DAAHIR. Waxaana nasiib u yeeshay in uu kula kulmo Airport-iga Minnesota, wariye Zakaria Aden, oo ka mid ah weriya yaasha Somali Media ee ka dhisan Minnesota.
Wariye Zakaria ayaa mar uu waraystay Macalin Axmed Daahir uu u Sheegay in cayaartooydan ay yahiin kuwii ugu akhlaaq badnaa uguna fiicnaa Gobolka Minnesato, waxaa cayaartooyda wajigooda ka muuqday farxad aad iyo aad u wanaagsan, waloow ay ka soo hareen qaar kale oo uu waqtigu u saamixi waayay. Waxaana amba baxooda ka soo qayb qaatay MAXAMUD CIISE oo ahaa cayaaryahaynkii ugu da’da yaraa xulkii qaranka Somaliya sanadii 1991 kana tirsanaa naadigii JEENYO, LLPP oo asaga u suurtoobi wayday in uu soo raaco shaqo awgeed. Waxaa kaloo soo amba bixintoodii ka sooqayb qaatay gabadha ladhaho NIMCO oo ah gabar u olalaysa ururka Democratic party.
Macalin Axmed Daahir, ayaa waxaa uu si aad ah ugu mahadnaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, Ganacsatada, waalidiinta, haweenka iyo shakhsiyaadkii gacanta aadka u ballaaran ka gaystay taakulaynta iyo fududaynta safarka dhallinyaradan ciyaartooyda ah.
Kooxda kubadda koleyga ee Minnesota ayaa waxaa hoggaamin doona qaar ka tirsan ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga heerka qaran sida: Shiikha,Axmed Daahir, Madaxey iyo macalin Idaris Waxaana u rajaynaynaa inay guulo wax ku ool ah kasoo hooyaan tartamadaasi ay ka qayb-gali doonaan .
Waxaa Ilaah mahadiis ah, in wefdigii ciyaartoyda kubadda koayga USA ay nabad ku soo gaareen magaaladan London maalintii Axad ahayd, iyagoo u soo degayey raxan raxan isla socota. Waxaa garoonka Heathrow ka soo degay subax nimadii Macalin Axmed daahir iyo sagaal ciyaartoy. Saacdo kadibna waxaa soo caga dhigatay Macalin Idiris Ibrahim Suleiman oo uu weheliyo Axmed Nuur (Mr 65) iyo qaar kaloo ka mid ah ciyaartoyda.
Garoonka Gatwick ee ku yaala dhanka kale ee London waxaa ka soo degey Xuseen (future) iyo Kamaal oo ka mid ah kooxda Junior-ka ah ee Canada iydoo ay hore u yimaadeen Mahad, Isaq, Penny man iyo Guuleed. Waxaa isla galabnimadii hadana ka soo degay Garoonka Gatwick, garsoorihii heer Qaran Cusmaan Xarash oo ku magac dheeraa (Xalane).
Maalintii Xigtay ee subaxnimadii Isniinta ahayd ayaa hadana Garoonka Gatwick uu ka soo degay macalinkii waynaa ee naadigii Kubadda kolayga Jeenyo LL PP, macalin Cabdi Dheere, oo ka yimid dalka Canada. Waxaa saacado kadib asna ka soo degtay garoonka Hethrow Airport Maxamed Sheikh Muse (Holaqsane) oo ah macalin heer Qaran hadana ka mid ah macalimiinta laylisa kooxda QATAR ARMY ee horiyaalnimada dalka Qatar haysata.
Maamulka ururka SSIFO daal uma yareen waxaa habeenkii Isniinta hadana Garoonka Dayuuradaha ee Stanistead ka soo dagay Laacibkii waynaa ee naadiga Badda iyo qaranka C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) oo uu wehliyo Cabdullaahi Xaaji Cilmi Ereg (Xaaji Gaab)oo ka mid ahaa laacibiinta kubadda kolayga kooxda Jeenyo.
Waxaa iyana sidoo kale iyana la filayaa in ay manta soo caga dhigtaan ciyaartoydii Switzerland oo uu horay u soo degay macalinkoodii Jeylaani Xaaji.
Maanta iyo Berito ayaa iyana la filayaa Laacibkii waynaa ee naadiga Batroolka iyo qaranka Axmed Muuse, Laacibiintii reer Jeenyo Cabdi Xalwo iyo C/qaadir Madaxeey oo Germany iyo Amerika ka kala imaan doono.
Waxaa ka mid ahaa gudigii soo dhawaynta iyo soo dal dalida wafuudaas Maxamed Sheikh, Garsoore Maxamed Faarah (Fire), Da’uud Axmed, Shiino Guhaad, A. Seef, Biyooleey iyo asxaab kale oo tiro badan.
Wixii faah faahin dheeri ah oo ku saabsan tartanka fadlan kala soco website-ka ururka SSIFO
www.ssifo.com. Si qaas ah Sawirada wafuuda imaanaysa iyo cayaaryahanada kala xiriir dhawaan bogga Tournament Photos.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London
<<< PHOTOS >>>