Waxaa magaaladan London, ee dalkan Ingiriiska ku soo qulqulaya ciyaartoy, macalimiin, garsoorayaal iyo taageerayaal aad qiimo ugu leh kubadda Kolayga iyo K. cagta. Waxaa galabtii talaadada ku kulmay woqooyi galbeedka London (North West) iyo bariga (East) ciyaartoy cusub oo da’doodu u dhexeyso labaatan ilaa & afar iyo toban, iyo kuwii hore u metelay qaramada Soomaaliyeed iyo kooxaha heerka kowaad.
Waxaa goob isugu yimi taariikh u dhexeysay kontonaadkii (1950’s) iyo dhalaankii kubadda kolayga manta. Iyadoo aan halkan lagu soo koobi karin magacyadda waxaa ka mid ahaa Isoomarey, Maxamed Faarax DD, Macalin Giftin, Aadaamo, Cabdiraxmaan Saalax Cabdi, Cabdi dheere, Idiris Ibrahim, Xasn Faarax(John), Shiino Guhaad, Axmed Daahir, Nuuradiin Cali Saciid, Bashiir Fox, Warsama dheere, Sheikha, Dhamme, Axmed Tuke, Maddaxey, Mahad Bilig, Muriidi Yaweli, M. Sheikh (Weli), Garweyne, Axmed Bile, Maxmed Yare, iyo in kale oo aad u fara badan.

Waxaa sidoo kale si heer sare ah u socda tababrkii kooxaha Kanada, USA iyo Switzerland oo ku sugan London iyadoo kooxda Kardiffna (Cardiff) ay soo geli doonto London maalinta Jimcaha haduu Eebe idmo.

Waxaa sidoo kale sii bilay ama wanaajiyey kulanka iyadoo ay la joogeen macalimiin taariikh gaar ah ku leh K. Cagta macalin Giftin oo bilawgii cayaari jerey K. Kolayga iyo macalinkii qaranka iyo kooxda Horseed Macalin Ibrahim Sudani oo ka yimi USA iyo ciyaartoydii hore ee horseed Maxamed Ismaaciil, Biyooley iyo Siciid CEEROW.



Salaanta kalgacal, qosolka iyo rayraynya waxaa la xusuustay waagii beri samaadka waxaa wadaagay sheekooyin iyo dhacdooyin hore. Waxay fursad u noqotay dad aan hore ula kulmini iney la kulmaan tiirarka taariikheed ee Isboorti.
Maliintii Arbacada waxaa yimi Cabdi M. Guuleed (Xalwo), C/qaadir Maddaxey (Jeenyo) iyo Suleiman SALEY oo ka yimi bariga maraykanka.
Waxaa galabnimadii arbaxo lagu sheekeystay Machadka Capital City academy, oo lagu balansan yahay in uu tartanku ka dhaco, kadibna waxaa lagu wada tukaday goobta ganacsiga Soomaaliyeed ee Stonebridge oo ay si kalgacal leh ugu soo dhoweyeen bulshada deegaanka iyo bahda Soomaaliyeed ee Isboortiga.
Waxaa soo Diyaariyay: Xasan Faarax (John)
Kubadda.com - London