Waxaa lagu qabtay Jimcihii lasoo dhaafay oo ay bishu ahayd 08/08/08 xarunta Talo, oo ku taala galbeedka London shirkii gogol xaarka tartanka SSIFO oo ay isugu yimaadeen wafdiyadii SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) oo ka kala socday dalalka USA, Canada, Germany, Holland, Sweden, Switzerland, Finland, Denmark, Imaaradka Carabta (UAE), oo ka qayb galaya kalfadhiga uruka iyo tartanka kubadda kolayga SSIFO oo bilaabanaya bisha 11-ka August 2008.



Shirkaan ayaa ahaa kii ugu waynaa uguna tirade badnaa oo ay ka soo qayb galaan cayaaryahanadii kubadda kolayga, garsoorayaal iyo maamulayaashii hore ee lafdhabarka u ahaa maamulkii Wasaaradii Dhalinyarada & Isboortiga Soomaaliyeed.
Dhamaan marti sharafta ayaa galabnimadii lagu casuumay in ay ka qadeeyaan makhaayada bilicda san ee FIAT CAFÉ ee ku taal Waqooyi/Galbeed London, oo uu leeyahay laacibkii naadiga kubadda kolayga Minishiibiyo iyo Madbacada C/naasir Saqbadha.
Bacdal Qado, ayaa waxaa laysku soo raacay goobtii loogu tala galay in uu shirku ka dhaco oo ahayd xarunta Talo, oo ku taala galbeedka London. Horaantii macalin Shiino iyo Hassan faarah John ayaa shirka ku furay farxad iyo u mahadnaq dhamaan intii soo tixgelisay imaatinka shirka sanadkan iyo intii ka cudur daaratay ee uu wakhtiga u saamixi waayay.
Shirkan oo lagu soo dhoweeyey dhamaan Waxgaradkii iyo aqoonyahanadii kubadda kolayga iyo qaar ka mid ah garsoorayaashii heer caalami ee kubadd cag iyo kolayba, kuwaasoo ka tashanayay qaabka tartanka SSIFO iyo kalfadhigiisa sida uu u dhici doono.
Marti sharafta ka soo qayb gashay shirka oo tiro badneed aawgeed nooma suurtoobin in cid walbaa ay codkeeda dhiibato, balse intooda badan waa hadleen, waxaana ka xusi karnaa ugu horayn Mohamed Farah Ahmed (Dab damis) oo runtii ahaa shaqsigii ugu waynaa kulanka hadana ugu horeeyay kuwii bilaabay cayaarida kubadda Kolayga kontan meeyadii.
Kaas oo cadeeyay in uu ka qayb qaatay 1958-dii Carwadii ugu horaysay ee lagu furo cayaarida kubadda kolayga oo dadkii waagaa la cayaaray uu ka mid ahaa sida C/qaadir Isoomareey.
Mohamed Farah, wuxuu sheegay in ay tahay kulanka maanta mid aad loogu farxo, maxaa yeelay wuxuu yiri “Aan wada hadalno, waa aan heshiino” Cayaar yahanada Kubadda kolayga weligoodba waxay ahaayeen kuwo isku xiran, balse kuwa kubadda cagta saas ma ahan. Waxaana Illaah idiinkaaga baryayaa in xiriirkiinu uu noqdo sidaan iyo si ka fiican, kuwa kubadda cagtana ay idinku daydaan.
Waxaa asna ka hadlay goobta, macalin Sacad Cumar Geedi, oo sheegay in ay farxad u tahay in uu ka soo qayb galo shirkaan, asxaabtiisana ay is moogaayeen mudo 20 ilaa iyo 25 sano. Wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa cayaryahanadii kubadda kolayga 1961-gii oo uu u cayaaray Shentaro Isbartiibo kadibna uu noqday shaqaale.
Balse cadeeyay in uu la shaqeeyay xiriiro badan oo ay ka mid ahaayeen kan Teniska, kan Volleyball-ka.
Waxaa kaloo asna goobta ka hadlay Cusmaan Xalane oo ah Garsoore heer Caalami ah. Xalane, marka hore wuxuu u mahad celiyay asxaabtiisa sida gaarka ah ugu casuumay kulankaan la jecel yahay in looga hadlo sidii loo hor marin lahaa kubadda kolayga.
Xalane, wuxuu yiri waxaan gabnay wixii aan ku soo dhimanay, wakhti tiro badana horay ugu soo luminay, maantana meel cidlo ah aan ka taagan nahay. Wuxuu yiri burburkii kadib sanadii 1992 waxaan ka mid ahaa odayaashii isku taxluujiyay in ay ku dadaalaan in ay cayaarihii dalka dib u qabtaan si ay qayb uga qaadato dib u hishiisiinta, Waxaana xiligaas ku biloownay koob la magac baxay RAJO oo ay naga gacan qabteen ciidamadii dalka Maraykanka oo xiligaas dalka ku sugnaa. Waxaana ka mid ahaa dadkii fikradaas aan isla wadaagnay Allaha u naxariistee Nuur Xuseen Abdi (Nuur Jeenyo), Abkoow, wish iyo Taranbi.
Runtii maanta cayaaraha Qurbaha lagu qabto, waxaa dhex yaal qilaaf aad u wayn, oo runtii ah mid laga calool xumaado, waxaad arkaysaa in laba qof oo aad isku fiicneedeen ay maanta kala joogaan laba dhinac oo aadan garanaynin mid aad u hiiliso iyo mid aad ka hiiliso.
Waxaase Ilaah mahadii ah in Bahda kubadda kolayga ay ka muuqato isku duubni iyo is jacayl loona baahan yahay in lagu daydo. Dhibka waxaa looga bixi karaa oo kaliyah isku duubni, is jacayl iyo is gacan qabasho.
Waxaa kaloo asna goobta ka hadlay mid ka mid ahaa kuwii ka soo shaqeeyay horumarinta Isboortiga oo runtii ahaa mid aqoontiisu ay aad u saraysay laguna magacabo Abuukar Abanuur.
Abanuur, wuxuu salaam kadib hadalkiisii ku bilaabay aayado Quraan oo ka hadlayay in xirigii Alle lagu dhego lagana fogaado Tafaraaruqa iyo in Illaah naga sameeyay Qabaailo kala duwan, balse ulajeedada ka danbayso ay ahayd in aan isku bar garano oo kaliyah. Sheegayna in maanta waxa isku kaaya keenay ay ahayd taas. Maxaa yeelay waxaan dhamaanteen ahayn ama nahay Bahdii Isboortiga Soomaaliyeed.
Abanuur, wuxuu sheegay in markiisii ugu horaysay uu Isboortiska ka soo galay dhanka kubadda Kolayga 1975 kadibna uu ku wareegay kan cayaaraha fudud.
Wuxuu sheegay in uu lug ku lahaa guushii uu soo hooyay Abdi Bile Abdi, oo uu ahaa ninkii u waday tartankaas. Sanadii 1979 oo ay qaadeen Wiilashii dalkeena koobkii Jaamacadaha carabta ee kubadda kolayga waxaan ahaa ayuu yiri Xoghayihii Gudiga Farsamadda.
Kulanka maantana waa mid taariikhi ah, ayuu yiri Abanuur, waxaana jecel nahay in aan wligeen xasuusano maxaa yeelay taariikhda kulanka oo ah 08/08/08. Waxaan ku han weenahay in isku imaatinkaan uu noqdo mid wax taro oo lagu liibaano.
Abanuur, Ilaa iyo sanadii1993 wixii ka horeeyay wuxuu aad uga soo shaqeeyay isbedeladii horumarka Wasaaradii Dhalinyarada iyo Isboortiga. Wuxuuna hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay gacmo wadajir bay wax ku gooyaan ee aan wada shaqayno kuna shaqayno si daacad ah.
Waxaa kaloo halkaa hadalo ka yiri sida: Abdirahman Salah (matiite), Cabdiqani Jenyo, Macalin Cabdi Dheere, Axmed Muuse, C/qaadir X Daahir (Shiikha), Bashiir Fox, Daa'uud Axmed Maxamed, Bashiir Abdi Daahir, Idiris Ibrahim Suleiman, Mohamed Sheikh Muse (Holoqsane), Rashiid Doob, C/qaadir Garwayne iyo Mohamed Hagi Ali oo dhamaantood ka hadlay waxyaabaha hoos ku xusan:
1. In loo duubto sidii dhalaanka looga bad baadin lahaa mustaqbal xumada iyo waxyaabaha xun xun ee miirka dooriyo.
2. Weligeedba, waa dhici jireen Shirar balse in kani in uu noqdo mid la daba galo oo wax tara.
3. In maamulku uu noqdo mid dadkii hore iyo kuwa maantaba ay ka dhex muuqdaan.
4. In asxaabteenii hore, ha noqdeen Rag ama Dumar, nalooga baahan yahay in aan xil gooni ah iska saarno bad baadinta dhalaanka.
5. In mid kasta oo anaga naga mid ah uu si qaas ah xil iskaaga saaro wixii uu qaban karo, laysna gacan qabtaa.
6. In qof kastaa oo anaga naga mid ah uu yahay mas'uul. Masuulna uu ka yahay naftiisa reerkiisa iyo dadkiisa. Berina Alle uu waydiin doono qof kastaa mas'uuliyadaas.
7. In qof walba, mideeyo waxa uu afka ka sheegayo iyo qaluubtiisa.
8. Maadaama intaani ay meel iskugu timid in ay fududahay in aan ku midoobi karno Talo, Ficil san iyo Farsamo-ba.
Waxaa lays tusaaleeyay in sida Soomaalida hada ku nool UK ay tirada ay kaga jiraan bulshada ku nool dalkaan ay ka yihiin 00.01%. Balse marka la fiiriyo xagga Crime-ka tirade xabsiyada ku jirto jamac ahaan ay 20% ay yihiin Soomaali, taas oo runtii ah wax aad looga naxo.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka kala socday wadamada USA, Canada, Germany, Holland, Sweden, Switzerland, Finland, Denmark iyo Imaaradka Carabta (UAE) kuwaas oo kala ahaa:
|
MAGACA
|
WADANKA
|
|
C/rahmaan M Gohad (Shiino Gohaad)
|
UK
|
|
Xasan Farah (John Gaab)
|
UK
|
|
Sacad Cumar Geedi
|
SWEDEN
|
|
Abuukar Abanur
|
HOLLAND
|
|
Cusmaan Xalane
|
USA
|
|
Mohamed Hagi Ali
|
UAE
|
|
Mohamed Farah Ahmed (Dab damis)
|
CANADA
|
|
Abdirahman Salah (matiite)
|
UK
|
|
Cabdiqani Abdullahi (Cabdiqani Jenyo)
|
UK
|
|
Abdiaziz Guled (Cabdi xalwo)
|
USA
|
|
Said Ahmed Osman
|
USA
|
|
Suleiman Abdulkadir Abukar (Saley)
|
USA
|
|
Daa'uud Axmed Maxamed
|
CANADA
|
|
Bashiir Abdi Daahir
|
FINLAND
|
|
Ahmed Xirsi Abdulle (Ahmed Bille)
|
UK
|
|
Mohamed Sheikh Abdi (Weli)
|
UK
|
|
Ahmed Duke
|
CANADA
|
|
Abdulqadir Yusuf Isse (Madaxey)
|
USA
|
|
Nuradin Ali saciid - USA
|
USA
|
|
Idiris Ibrahim Suleiman
|
USA
|
|
Abdi Mohamed Ciye (Cabdi Dheere)
|
CANADA
|
|
Ahmed Abuukar (Ahmadey B)
|
CANADA
|
|
Mohamed rashiid A. Mumin (Rashiid Doob)
|
USA
|
|
C/qaadir Xaaji daahir (Shiikha)
|
USA
|
|
Axmed Musse Hussein
|
GERMANY
|
|
Axmed Daahir Axmed
|
USA
|
|
Bashiir Yuusuf Mohamed (Bashiir Fox)
|
QATAR
|
|
Mohamed Sheikh Muse (Holoqsane)
|
QATAR
|
|
C/xakiin Maxamed Saciid
|
UK
|
|
C/qaadir Garwayne
|
UK
|
Waxaa lagu tashaday si loogu diyaar garoobo kalfadhiga labaad ee Ururka SSIFO in wadan walba ay iska soo xulaan xubnihii ay u dooran lahaayeen in ay u metelaan wadamada ay ka socdaan. Si kalfadhiga labaad uu u noqdo mid ka duwan kii maanta oo ay in kooban ka wada hadlaan nidaamkii iyo mabaadiidii lagu dhaqi lahaa Ururka mustaqbalka dhow.
Sawirada marti sharafta oo badan ka daawo www.ssifo.com qaybta Tournaments Photos.
Waxaa soo diyaariyay:
Xoghayaha ururka SSIFO
Mohamed Sheikh Abdi (weli)