Habeen nimadii Arbacada ee 20/08/2008 ayaa waxaa si farxad iyo raynrayn leh lagu soo gaba gabeeyay tartankii kubadda kolayga SSIFO 2008 LONDON oo mudada labada asbuuc ku dhow ka socday garoonka bilicda san ee Capital City Academy, Doyle Gardens, oo ku yaal xaafadda Willesden oo ah W/Galbeed London.
Xaflada xiritaanka ayaa lagu qabtay Brent Town Hall ee galbeedka London, oo ay gacan wayn ka gaysteen Ururada Brent Somali Forum iyo Brent Refugee Forum, taas oo uu ka soo qayb galay Mayor-ka xaafadda Brent, Cllr Ralph Fox, oo ay wehliyaan MP-ga Waqooyiga xaafadda Brent Barry Gardiner iyo kan Koonfurta xaafadda Brent Down Butler iyo weliba gabarta haysata kan Bariga xaafadda Brent Sarah Teather.

Tartankan oo runtii ahaa kii ugu wanaagsanaa uguna daawadayaal badnaa ee kubadda kolayga ah ee lagu qabto qurbaha ayaa abaabulkiisa ay lahaayeen macalimiintii iyo cayaar yahanadii kubadda kolayga Soomaaliyeed ee berisamaadkii u safan jiray kooxihii iyo Qarankii Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah garsoorayaashii heer caalami oo dhamaantood hada ku midoobay ururka marka la soo gaabiyo loo yaqaan SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation).
Tartankan ayaa waxaa ka soo qayb galay isku dar ilaa iyo 13 kooxood oo isugu jira yar yar iyo waawayn Gabdho iyo Wiilalba leh. Dadwaynihii u soo daawashada tegi jiray tartanka ayaa waxaa aad u farxad geliya sida nidaamka leh ee loo soo agaasimay qabshada tartanka min biloow ilaa iyo dhamaad, kaas oo ay yiraahdeen waxaa sahlay in wax walba sidii loogu tala galay in ay u socdaan cayaar yahanadii hore ee kubadda kolayga oo ayagu waday dhamaan kooxihii ka soo qayb galayay tartanka, hadii ay noqon lahayd xagga gabdhaha ama wiilashaba.
Xafladda xiritaanka oo ay wehlisay koobab bixintii ayaa waxaa horaantii ka hadlay maamulka ururada Brent Somali Forum Mr Harbi Farah iyo Brent Refugee Forum Falastin Yassin, oo ku soo dhaweeyay dhamaan marti sharaftii halkaas isugu timid.
Waxay ka codsadeen ururka SSIFO in hadii ay suurto gal tahay in sanad walba xiligaan oo kale la joogteeyo qabashada tartankan kubadda kolayga ah oo ay jecelyihiin in ay ku darsadaan Calander sanadeedkooda.
Waxaa koobabkii ugu horeeyay la siiyay macalimiintii kooxaha wiilasha waday sida Axmed Daahir Axmed, Daa’uud Axmed Dheere, C/lle Xirsi iyo Cabdull Axmed, oo uu gudoonsiiyay Mayor-ka xaafadda Brent, Cllr Ralph Fox, oo runtii aad ugu farxay sida nidaamka iyo kala danbaynta leh ee qabanqaabada xiritaanka loo soo agaasimay.
Waxaa la gudoonsiiyay astaaan qiimayn hawshii uu u soo qabtay Isboortiga Soomaaliyeed (Life time Achivement Award) mid ka mid ah macalimiintii bilaabay laylinta kubadda kolayga macalin Sacad Cumar Geedi oo hada ku nool wadanka Sweden. In kasta uu ka maqnaa goobta waxaa u qaaday abaalmarintiisii gudoomiyaha ururka SEUKI Mr Afrax oo ay deegaan wadaag yihiin. Waxaana gudoonsiiyay MP Barry Gardiner.

Waxaana hadana loo yeeray, si loo gudoonsiiyo abaalmarintii cayaaryahankii ugu fiicnaa tartanka kuwa soo korayo (best junior player) Xuseen Cabdi oo kooxdiisa u xirnaa funaanada (No: 10) ee kooxda Canada, waxaana gudoonsiisay MP Sarah Teather.

Waxaa hadana loo yeeray cayaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa inta uu tartanku socday Ahmed Iman oo kooxdiisa u xirnaa funaanada (No: 18) ee kooxda USA, waxaana abaalmarinta gudoonsiisay MP Sarah Teather.
Waxaa hadana loo yeeray cayaaryahankii ugu fiicnaa kuwa roon roon (best senior player) Mahad Abdi oo kooxdiisa u xirnaa funaanada (No: 1) ee kooxda Cardiff, waxaana abaalmarintiisa gudoonsiiyay Mayor-ka xaafadda Brent, Cllr Ralph Fox.

Sidoo kale waxaa hadana loo yeeray, cayaaryahankii ugu aqlaaqda badnaa tartanka oo loo aqoonsaday Abdihakin Dalmar oo kooxdiisa u xirnaa funaanada (No: 15) ee kooxda USA, waxaana abaalmarinta gudoonsiiyay Mayor-ka xaafadda Brent, Cllr Ralph Fox.
Goobtu waxay u ekeyd mid cayaaro caalami ah ay ka dhacayaan waayo Xafladda ayaa mar qura waxaa ku kulmay weriyayaal tiro badan oo ka kala socday wargaysyada Soomaaliyeed ee ka soo baxo London iyo website-yada Sportiga ka faaloodo iyo Tv-yada bahda warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Universal TV , Warsan TV, Raad TV iyo weliba shaqsiyaad tiro badan oo watay sawir qaadayaasha digital-ka ah oo kuligood isku garbinyay barxada dhexe ee madasha si ay kulankan taariikhiga ah uga reebtaan xasuus.
Intaa kadib waxaa la galay nasasho gaaban iyo casho fudud oo loogu tala galay marti sharaftii halkaasi isugu timid. Asxaabta goobta ku kulantay waxaa cashada kaga wayneed in ay sawiro la galaan cayaaryahanadii magaca iyo sumcada ku samaystay kubadda kolayga Soomaaliyeed oo ay ogyihiin in ay dhawaan u kala safri doonaan meelihii ay ku noolaayeen beryahaan danbe.

45 minutes kabacdi ayaa waxaa dib loogu soo laabtay gaba gabadii xafladda, halkaas oo ay maamulkii la wareegeen madaxdii ururka SSIFO oo si kala danbayn leh u daadihinayay barnaamijka xiritaankiisii.
Waxaa loo yeeray kooxihii kaalinta koowaad iyo labaad galay wiilasha iyo kaalinta koowaad gabdhaha. Waxaana kaalimaha loo kala xirtay sida tan:
1. Kaalinta koowaad wiilasha Junior-ka kooxda USA
2. Kaalinta labaad wiilasha Junior-ka kooxda London
3. Kaalinta koowaad wiilasha Senior-ka kooxda USA
4. Kaalinta koowaad gabdhaha Junior-ka kooxda Northampton
5. Waxaa astaan sharafeed lagu qirayo hawlihii uu mudada dheer ka soo qabtay Isbooetiga dalka Soomaaliyeed (Life time Achivement Award), garsoore heer caalami ahaa oo kubadda cagta iyo kolayga garsoori jiray, mudane Cusmaan Maxamuud Xalane (Xarash). Waxaa kaloo Shahaadooyin aad u tiro badan laga safay dad aad u tiro badan oo taageero hiil iyo hooba leh ka gaystay tartanka intuu socday.
Intaa kadib waxaa warbixin dheer soo jeediyay macalin Shiino Guhaad oo ahaa maamulihii tartanka sanadkan, oo ka faalooday dadaalkii dheeraa ay u soo galeen bahda kubadda kolaygu isu keenista asxaabtaan faraha badan ee ka kala yimid wadamada Maraykanka, Canada, UAE, Qatar iyo wadamo badan oo ka tirsan Europe.
Waxaa halkaas laga shaaciyay in bahwaynta kubadda kolayga ay yeesheen maamul cusub iyo kala danbayn, waxaana la sheegay in jagada Gudoomiyenimada ururka SSIFO loo doortay macalinkii hore ee kooxda kubadda kolayga LL PP macalin Cabdi Maxamed Ciye oo bahda isboortiga ay ugu yeeraan Cabdi dheere, gudoomiye ku xigeena uu u yahay macalin C/rahmaan M Gohaad oo loo yaqaan (Shiino Gohad).

Waxaa hadalkii la wareegay Macalin Cabdi Dheere oo sheegay in ilaahay ku guuleeyey talaabadii koowaad isla markaana uu ka rajaynayo qof kasta oo ka mid ah bahwaynta kubadda kolayga in uu taageero ururkan cusub ee SSIFO qaybna ka noqdo dadaalka loogu jiro horumarinta kubadda kolayga Soomaaliyeed iyo daryeelka da’yarta soo koraysa iyo sidii looga leexin lahaa dabeecadaha aan wanaagsanayn.
Dadka goobta isugu yimid maahayn kuwo magacyadooda halkan lagu soo koobi karo, waxay isugu jireen dhamaan noocyada kala duwan ee adeega bulshada hadii ay noqon lahayd macalimiin, cayaaryahano, garsoorayaal, weriye yaal, takhaatiir, garyaqaano, fanaaniin iyo taageerayaal yar iyo wayn, gabdho iyo wiilalba leh.
Maadaama furitaankii tartankan bilowgiisii lagu furay salaanta calanka, ayaa hadana waxaa lagu soo gaba gabeeyay heesta calanka Soomaaliyeed ay wada qaadayeed dhamaan dadkii goobta joogay iyadoo uu hogaaminayay Odayga fanka Soomaaliyeed Macalinka, mu’alif, muusikiiste iyo laxansaare Axmed Ismaciil (Xudaydi), oo qaaday heestii ahayd “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada ee. Hadba kiina taag daran-ee taageera weligiin…..” taas oo dhamaan intii xaflada timid mar qura ay wada istaageen, wada jiibiyeen-na… isaga oo hore u qaaday heeso hore oo qaraami ah dadkii joogayna ay maddaxa u wada luleen.
Markuu arkay fadhi wanaaga, Soomaali keligeed ah, goob bilicsan, wada jirka, farxad iyo kalgacayl walaaltinimo ka muuqato, dhamaan dadkii joogay xafladda ayaa wuxuu mid ka mid ah marti sharaftii yiri ‘‘muddo dheer ma dreemin, sidaan dareensanahay caawa, dowlad-nimo iyo dad-nimo Soomaaliyeed ayaan dareemayaa.’’
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa magacyada maamulka gudiga SSIFO oo dhan iyo qaab dhismeedka ay u wada shaqayn doonaan mustaqbalka dhow.
Waxaa soo diyaariyay:
Xoghayaha ururka SSIFO - UK
Mohamed Sheikh Abdi (weli)