COMMENTS
Annigoo ah M/ne Abukar Abanur Mohamed, kuna hadlaya magaca dhammaan Reer Abanuur Maxamed Cali "Al-makhzuumi", waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Caruurtii, qaarabadii iyo dhammaan Bahweynta Isboortiga Soonaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, annagoo ugu tacsiyadeyneyno geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Al-marxuum: FAARAX WAHLIYE CADDOW 'Sindiko", waxaana marxuumka eebe ugu baryeynaa Naxriistii Janno in uu ka waraabiyo, caruurtii, qaraabadii iyo dhammaan bahweynta Isboortiga Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan in uu eebe inaga wada siiyo.....AAMIIN.
ASC WARAB, Kullu nafsin haalikun ilaa wajhu, Waxaan tacsi u soo gudbinayaa Eheladii Marxuumku ka geeriyooday iyo Dhamaan Bahda Sports-ka Soomaaliyeed.
Waa meel na wadda sugoysa, waa naga hormaray walaalkeen Faarax Sindiko, Unnana waan ku xiggnaa, Qof ku waaraayo Noloshaan Adduunka ma leh.
Waa in lagu cibaadaystaa, lana ogaadaa in aan Marti ku nahay. “INNAA LILAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN”.
WABILAAHI TAWFIIQ
Ahmed Salah
WAXAAN HALKAN TACSI UGA DIRAYAA MARXUUM FAARAX WEHELIYE CADOW SINDIKO ALAHA U NAXARIISTO QOYSKII UU KA TAGAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALAHA KA SIIYO BAHWEYNTA ISBOORTIGA UU KA TAGEYNA IYAGANA SAMIR IYO IIMAAN..... AAAMIIN
Aniga oo ka mid ah dadkii la soo shaqeeyey Marxuum Faarax xilalkii aan ka soo qabtay isboortigana ay ka mid ahaayeen Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Olymbikada, Xoghaye Xiriir iwm, waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu JANNO FARDOWSA ku abaalmariyo. Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkiisa iyo axsaabtiisana samir ha ka siiyo. Geeridu waa farriin nagu wada socota oo u baahan inaan qalbiga ku hayno waqti kasta, weliba inaan towbad keeno isna cafino inta aan nool nahay.
Wabillaahi towfiiq
Omar Mire
Anigoo ku hadlaayo magacayga kan xaaskeyga Safiyo xasan Culusow dhamaan caruurteyda waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii,qoyskii iyo bahda ciyaaraha soomaaliyeed oo dhan meelkasto ay joogaan geeridii ku timid halyay.macallin Faarax Weheliye Caddow (Sindiko) taasoo aan hubo in bahda ciyaarha ay aad iyo aad uga nexi doonaan geeridaasi, waxaanu leenahay samir iyo Iimaan Alaha naga wada siiyo kuligeena (Aamiin)
TACSI
Innaa lillahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun
Bahweynta isboortiga ee gobolka Minnesota waxaa ay tacsi u dirayaan qoyskii ,eheladii & asxaabtii uu ka tagay Allaha u naxariistee Marxuum Faarax weheliye Caddow “Sindiko”oo caawa oo ay taariikhdu tahay 11/19/2008 ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar .. Marxuumka ayaa wuxuu safka hore kaga jiray halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed isaga oo ku dhex jiray isla markaana xilal badan ka soo qabtay cayaaraha dalkeena muddo ka badan 40 sano ,kana gaaray xilal aad u sareeya sportiga dalka, iyo kan qaaradda Afrika oo uu mar ka noqday guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta iyo xubin firfircoon oo xiriirka kubadda cagta ee adduunka “Fifa”,waxaana uu faarax ahaa shaqsi magac aad u wayn ku leh bulshada iyo caalamka isboortiga.
Faarax ayaa laga ganaaxay dhaqdhaqaaqii kubadda cagta dunida muddo 10 sano ah, kaasoo uu sababay khilaaf u dhexeeyey alaha u naxariistee Faarax Sindiko iyo guddoomiyaha FIFA ayaa sababay in uu Faarax muddo ka maqnaa cayaaraha dalka inkastoo dhawaan uu guddoomiyaha FIFA sheegay in uu cafiyey Faarax Sindiko.
Geeridan naxdinta leh ayaa waxaa si aad ah uga naxay dhamaan bahwaynta cayaaraha ee dalkeena ayadoo la wada ogsoon yahay kaalinta baaxadda leh ee Faarax Sindiko uu ka qaatay horumarinta cayaaraha dalkeena.
Waxaana Allaha awoodda badan uga baryaynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo,Qoyskii,Eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iiman Eebe naga wada siiyo.
AAMIIN - AAMIIN -AAMIIN
Tacsidan Waxaa diraya dadka magacyadooda ay kala yihiin:
Cabdi Cali Macallin – Guddoomiyaha Isboortiga MN
Macallin Ibraahim Suudaani
Macallin qariindi
Yaasiin Barafuun
Maxamed Cabdi Yuusuf
C/qaadir Xaaji Daahir(Shiikha)
Axmed Daahir Axmed
C/raxmaan Guuleed Cawaale(Aamaan)
Maxamuud Ciise Faarax
C/rizaaq Saciid (Marshaale)
Cabdulqaadir Salaad warsame(Nuune)
C/qaadir yuusuf Ciise (Madaxey)
Maxamed Aadan Jeelle
C/qaadir Jaango
Maxamed Dheere
C/raxmaan Caloolgeel
Idiris Ibraahim Suleiman
C/qaadir Xaashi (Dalmar)
C/llahi Moorgan
C/casiis Biixi
Yoonis Xaaji saciid
Cali Xaaji Aweys
Cabdirahmaan Wariye
Bakar Yare
Burhaan Yaasiin Xaaji
Abdi Gabayre Ismaaciil(Duwe)
Maxamed Abdullahi Axmed(Catoosh)
Deeqo Cawil
Nimco Axmed
Xaawo Hiiraan
Gani Nuur
Maryan Nuur iyo
Fartuun Osmaan
Diyaariye:Shiikha
Ina lilaah wa ina ilaah rajicuun .Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan caruurteda waxaan tacsi u diraaya eheladii u ka geerioday marxuum Farah Wehelie Addo. Waxaan Ilaah uga baryayaa inu jannadi fardowsa ka waraabiyio. Amin
inaa lilaahi wa inaa ileyhu raajicun,waxaa halkaan anigoo ah yonis & dhamaan reer yusuf uga tacsiyeynaa geeridii naxdinta alaheyd ee ku timid alaha u naxariistee,aabihii sport ga somaliyed adeer farax wheliye sendiko,janadii fardowsa alaha ugu bishareyo anagana samar & iimaan kuligeen ilahey hanaga siiyo dhamaan gaar ahaan walaalaheen reer faarax sendiko meshey aduunka ka joogaan, & bahda sportiga somaliyed & webside kan sharafta leh ee kubadda,gaar ahaan walaalkey qaaliga maxamed sheikh abdi (weli)
ilahey janadiisa fardowsa adeer faarah ha ugu bisaareeyo Aamiin
Yonis
U.S.A
ILAAH BAYNA ABUURTAY ISAGAANA DHAMAAN U NOQONEYNAA
Guddiga Ururka bahweynta Kubadda Koleyga (SSIFO), iyo dhamaan xubnihiisa wuxuu tacsi udirayaa dhamaan Ubadka, xaasaka, Walaalaha, Ehelka, Asxaabta, iyo gaclkiisa ha ahaadaan intey isboortiga ku kulmeen, ama nolosha baalasheeda kale ku kulmeen Marxuum FAARAX WEHELIYE CADDOW(SINDIKO). Wexeyna Ilaah uga baryayaan in marxuumku helo dembi dhaaf, Janadana geeyo. Inta noolna ilaah garab uga dhigo Samir , Imaan iyo xusuus ALLE.
Xasan M. Faarax
Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun
Anigoo ku hadlaayo magaca reerkeyga ,ururka AVSC iyo SSIFO waxaanu leenahay ,Caruurtii ,Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday aabihii isboortiga [FARAH WEHELIYE CADDOW[ SINDIKO] samir iyo immaan allaha ka siiyo naxariistii janane allaha ka waraabsho AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
shino gohad
asc waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u diraa reerkii uu ka tagay faarax wehliye cadoow waxaana leeyahay samir iyo iimaan alaha naga wada siiyo aamiin
asc waxaan halkaan aan uga tacsiyaynaynaa qooskii uu ka tagay faarax wehliye cadoow gaar ahaan wiilkeena sakariye maxamed shiig anagoo kala ah reer maxamed shiig
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
anigoo ku hadlaayo magaca reer muuse xuseen iyo
kan xaaskayga xaawo kiin,Waxeey tacsi u dirayaan dhamaan Ehelkii asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Faarax Weheliye Cadoow oo loo yiqiin (Faarax Sindiko)oo ahaa aabihii sportiga somalia
waxaana leenahay cafis iyo masaamah,ilaahna waxaan uga baryeenaa dabe dhaaf,janadana ilaah
ka waraabiyo aamiin, anagane ilaah hanaga dhigo
kuwii gadaashiis aan duloobin aamiin aamiin.
INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN,
Anigoo ku hadlaaya Tawabaraha kooxda Holand ee Soomaaliyeed iyo Bahweynta Sportiga meelwalba ay joogaan,Isla markana ku hadlaaya Magaca Faliimka Reer Maxamuud Ali Baliile ayaan Tacsiiyo tiiraanyo leh u diraayaa Eheladda iyo Caruurtiisa iyo Qarabaadii iyo Asxaabtii oo ka geeriyooday Marxuum FAARAX WEHLIYE CADOOW (FAARAX SINDIKO) waxaan Marxuumka Eebe ugu baryeenaa Jannadii naxariista Allaha ka waraabiyo Ehelaha Ciyaalkiisa iyo Bahweynta Sportiga oo dhan samir iAllaha naga wada siiyo aamiin,
Axmed Maxamuud Cali( AABALIISHA )
KULLU NAFSI DAAIQATUL MOWT
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo ley ugu soo gudbineynaa dhamaan Ehelki & Qaraabadii uu ka geeriyoodey Marxuum FARAH WEHLIYE ADOW (SINDICO) qaas ahaan caruurtiisa meel walbo oo ay dunida ka joogaan waxaana leenahey samir & iimaan allaha naga wada siiyo, AAMIIN #AMIIN#AMIIN.
inaa lilaah wa inaa ileeyhi raajicuun, anigoo ah cabdisalaan maxamed nuur oo ku nool dalka south africa waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey allah ha u naxa riis tee, marxuun faarax siindiko, waxaan lee yahey samir iyo iimman allah ha kasiiyo, asagana janadii farsdooso allah hakawaraabiyo, waxaan south africa aan deris nahey hadaad taqaanaan Ahmed salie oo ah garsoore kubada cagta una dhashey dalka south africa, waxuuna ahaa ninkii calan wadahaha ka ahaa ciyaartii dhex martey france iyo brazil, nin kaas ayaa wuxuu iisheegey in allah ha u naxa riistee farax sindiko ahaa nin fiican oo aduun ka aad loogu qiimeeyo, wuxuu kaloona iisheegey in allah ha u naxariistee farax sindiko uu gaarsiiyey ama uu ka caa wiyey heerka hada uu taagan yahey, wuxuu marwalbo iigu dhahaa sindiko weligeey ma iloowayo sawabtoo tahey waa nin kii isoo gaarsiyey heerka hada aan taaga nahey,
TACSI.
Ugu horeyn Inagoo kala ah:-
1. Abdi Maxamed Afrax
2. xaliimo maxamed afrax
3. Guure Cabdi Caddow
4. Muxudiin Shacreeye
5. Aamina CAbdi cadow
6. Xabiibo Cabdi Cadow
7. Cali Shire Cabdi Cadow
8. Saynab CAbdi Cadow
9. seekey jiile
10 Xuseen jilacow barow
11.Abshir Muxudiin Shacreeye
12. Saciido Xuseen Weheliye.
13. Nimco Ibraahim Nuur. (Nalka)
14. Maxamed xasan max'ud (Wancade)
15.Nuuro Cali Maxamuud.
16 CAbdikarin Mowlid Qoorgaab.
17.Axmed Qadar Xusen Jilacow.(Jeeri)
18.Maxamed Guure Abdi
19.Cabdi xamid max'ud jiilaal
20.Liibaan Cumar Carfaaye "diiqdoore".
21.Naasir Qumane
22.Shariif shiikh xusen baasey.
23.Cabdulahi xusen jilacow
24. Abbicasiis xuseen J.
25. Shariif cabdi "sharif shumey"
26. ibraahim cali jilacow.
27.Mustaf maxamed xassan
28.Cajabo shiikh cabdi raxmaan.
29.xusseen wehliye caddow.
30. Salaado Xassan buroole
31. Cilmi Buurfuule
Waxeeynu dhamaanteen tacsi tiiraanyo leh u direeynaa marxuumka Allaha u naxariistee FAARAX WEHELIYE CADOW oo 19ki november ku geeriyoodey magaalada Qaahira ee Dalka Egypt. Waxaana leenahay samir iyo iimaan allaha inaga siiyo. isagana jannadii firdowsa allaha geeyo . Aamiin aamiin.
INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
ANIGOO KU HADLAYAA MAGACA REER BOONDHEERE WAXAAN HALKAAN TACSI U DIREYNAA QOYSKI IYO EHELKII UU KA GEERIYOODAY ALAHA U NAXARIISTEEE AABIHI SPORTISKA SOMAALIYEED MARXUUM FAARAX WEHLIYE CADOW SIINDIKO JANADA ALAHA UGU BISHAAREEYO WAXAAN SI QAAS AH UGU TACSIYEEYNEYNAA CARUURTI ALAHA UNAXARIISTEE MAAMO CADAR WARDHEERE WAXAAN LEENAHAY SAMIR IYO IIMAAN ALAHA NAGA WADA SIIYO AAMIIN AAMIIN
inaa lilaahi wa inaa i layhi raajacuun, anigoo ku hadlayo magaca reer Tahir Yussuf waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii , ehelladii, bahweynta sportiga iyo umadda soomaaliyeed geeridii naxdinta leheyd ee ku timid marxuun Farax Wahliye Caddaw (Sidiko), waxaan ilaahay kaga baryayaa samir ka siiyo, janaddii Fardowsa in uu ilaah ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin.
inaa lilaahi wa inaa i layhi raajacuun, anigoo ku hadlayo magaca reer Tahir Yussuf waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii , ehelladii, bahweynta sportiga iyo umadda soomaaliyeed geeridii naxdinta leheyd ee ku timid marxuun Farax Wahliye Caddaw (Sidiko), waxaan ilaahay kaga baryayaa eheladii uu ka tagay in uu samir ka siiyo, janaddii Fardowsa in uu ilaah ka waraabiyo Amiin Amiin Amiin.
Waxaa halkaan tacsi ugu diraya Eheladii Qoyska marxuum Faarax Sendiko iyo dhamaan bahda Sports Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana tacsidaan diraya mudanayaasha kala ah:
Mudane Mohamed Abdi Yusuf
Mudane Ahmed Abdi Dahir ‘’Shell’’
Mudane Duran Farah
Mudane Mohamed Ismail
Mudane Bashir Abdi Dahir
Mudane Mohamed Buuwe
Mudane Mohamud Nur
Mudane Ahmed Nur Abdulle
Mudane Siciid Cagaseef
Mudane Mohamed Xaaji Ingiriis
Mudane Siciid Geeseey Gacal
Mudane C/Qadir Cadaay
Mudane Baana Cali
Mudane Cumar Ayeelo
Mudane Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Iyo dhamaan bahda Sports Jaaliyada Soomaaliyeed ee xaafada Wembley London.
Marxuum Faarax Weheliye Caddow’’Sendiko’’
Waxaan marxuumka Allah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Janadii Fardoowsa una u naxariisto, reerkiisa iyo bahda Sport Soomaaliyeed-na waxaan u rajaynaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin aamiin Insha Allah.
1)Dr,cali cusmaan Cali
2)Islaw Maxamed Malaaq
3)Maxamed Xasan Qolof
4)Dr.Yasiin Abukar Cariif
5)Aweys Muse Arbow(Aweys Fundi)
6)Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo)
7)Cali Mataan
8)Cabdulaahi Xersi Cabdi
9)Cabdi Kaafi
10)Amsadoor Cabdiraxmaan Diinaari
11)Weriye Cabdulaahi Nuur Kolombo
12)Cabdicasiis Axmed Mahdi
13)Maxamed Ismaciil Sangue
14)Maxamed Xasan Qolof
15)Garsoore Cusmaan Maxamuud xalane
16)Cabdulaahi Warsame Jeegaxiir
17)Cumar Abukar Sheekhey
18)Amiin Caamir Maxamed
19)Dr.Maxamed Cali Nuur
20)Khaliif Shire(Khaliif Riko)
21)Axmed Weli
22)Maxamuud M.Cabdulaahi
23)Maxamed Xaaji Giftin
24)Cabduicasiis Giftin
25)Maxamed Cali Xirsi(Indhacaad)
WAXAY DHAMAANTOOD TACSI U DIARAYAAN QOYSKII IYO EHELADII IYO DHAMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED GEERIDII NAXDINTA LAHEYD EE KU TIMID MARXUUM FAARAX WEHLIYE CADDAW(SIDAKO) OO DHAWAAN KU GEERIYOODAY DALKA MASAR.....WAXAANA EHELADDA IYO UMMADDA SOOMAALIYEEDBA U RAJEYNEYNAA IN UU SAMIR KA SIIYO MARXUUMKANA JANADII KA WARAABSHO.
Inalilahi wa ina ilahi raji3uun .waxa aan tacsi u dirayaa dhaman eheladii u ka geeriyooday marxuumka farah Weheliye Adow waxa aan dhahayaa Rabana yacadim ajrakum